Awood-siinta Dimuqraadiyadda iyadoo loo marayo Doorasho loo siman yahay.
Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka Qaranka & Soohdimaha
Xaqiijinta hufnaanta hannaanka doorashada, waxaa naga go’an inaan ilaalinno qiyamka dimoqraadiyadda iyo kobcinta kalsoonida shacabka.
Ku Saabsan Guddiga
Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ee Soomaaliya waxaa la aasaasay si loo hubiyo in doorashooyinka dalka ay noqdaan kuwo xor ah, xalaal ah, oo lagu kalsoonaan karo. Iyadoo la raacayo mabaadi’da dimoqraadiyadda, Guddigu wuxuu ka shaqeeyaa sidii uu u xoojin lahaa nidaamka doorashada iyo soohdimaha, isagoo kor u qaadaya hufnaanta iyo daahfurnaanta. Guddigu wuxuu u taagan yahay ilaalinta xuquuqda codbixiyayaasha iyo hubinta in dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fursad siman oo ay ku codeeyaan. Iyadoo ay hogaaminayaan khubaro ku xeel dheer maamulka doorashooyinka, GMDQS waxaa uu idman yahay sameynta soohdimaha heerarka maamul ee dalka, si loo helo xoga juquraafi oo sugan.
Taariikhda Guddiga
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha wuxuu tusaale cad u yahay adkeysiga iyo dib u habeynta loo baahan yahay si loo gaaro dimuqraadiyadda Soomaaliya, isagoo xaqiijinaya in doorashooyin hufan oo cadaalad ah la qabto, taas oo muhiim u ah dhisidda kalsoonida shacabka iyo kor u qaadista matalaadda siyaasadeed ee hay’adaha dowladda. Guddiga ayaa ka shaqeynaya in la abuuro jawi lagu kalsoonaan karo oo doorashooyinka ah, si ay muwaadiniintu u helaan fursad cadaalad ah oo ay ku doortaan wakiiladooda, taas oo muhiim u ah horumarinta nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka iyo gaaridda xasilooni siyaasadeed iyo mid amni.
Aasaaska Guddiyada Hore
Sanadkii 2015, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Xuduudaha iyo Federaalka ayaa la aasaasay, waxaana ay door muhiim ah ka ciyaareen sidii loo horumarin lahaa nidaamka doorashooyinka iyo xuduudaha dalka.
Isku-Darka Guddiyada
Sanadkii 2024, dib-u-eegista dastuurka awgeed, Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Guddiga Madaxa Bannaan ee Soohdimaha iyo Federaalka ayaa la mideeyay si loo dhiso Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS).
Dib-u-eegista Dastuurka
Sanadkii 2022, waxaa la bilaabay dib-u-eegis qoto dheer oo lagu sameeyay dastuurka si loo mideeyo howlaha shaqo ee labada Guddi, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo hay’adaha dimoqraadiyadda dalka iyo hubinta in howlahoodu si wanaagsan u wada shaqeeyaan.
Dhismaha GMDQS
Dhamaadkii 2024 Bishi Nofeember waxaa la meel mariyay xeerka dhisidda GMDQS XR LR 26. Xeerkan ayaa qeexaya tirada xubnaha GMDQS, Awoodaha GMDQS ee ka kooban qabashada doorashooyinka kala duwan ee dalka iyo astaynta Soohdimaha heerarka kala duwan ee maamulada dalka iyo deegaan doorashooyinka Dalka.
Dhaxalka iyo Saamaynta
Gudiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa tan iyo markii la aasaasay wuxuu dadaal badan ku bixiyay hirgalinta doorashooyin xor iyo xalaal ah. Waxaa loo asaasay in uu dalka ka hirgaliyo hannaanka doorashada, Guddiga waxa uu door muhiim ah ka ciyaaraa ilaalinta qaabka dimoqraadiyadda ee qarankeena. Iyadoo taariikh ku qotonta hufnaan iyo isla xisaabtan, guddigu waxa uu si joogto ah uga shaqaynayay kor u qaadista hababka doorashada, isaga oo hubinaya ku dhaqanka xeerarka doorashada dalka.
Muhiimadda Shaqada Guddiga kuma koobna maaraynta doorashada. Waxay qayb weyn ka ah waajibaadka Guddiga saran soohdimaynta soohdimaha heerarka maamul ee Dalka iyo Soohdimaha Degaan doorashada Dalka, si loo xaqiijiyo matalaad siman oo gobollada oo dhan ah. Hadafkeena waa inaan ilaalino mabaadi’da dimoqraadiyada anagoo fududeynayna doorashooyin lagu kalsoonaan karo iyo kobcinta kalsoonida shacabka ee hanaanka doorashada. Anagoo adeegsanayna hal abuurnimo, waxaan ku dadaaleynaa inaan dejino halbeegyada maamulka doorashada iyo maamulka.
HIIGSIGA GMDQS
Xaqiijinta doorashooyin xor ah, soohdima sugan iyo maamul doorasho oo xooggan.
Himilada Guddiga
Mabaadi'da Hagidda iyo Mas'uuliyadaha
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha waxaa ka go’an sidii uu u xaqiijin lahaa doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo lagu kalsoonaan karo oo dalka oo dhan ah. Hadafka Guddiga waa in aan ilaalino mabaadi’da dimuqraadiga ah anagoo samaynayna xeer-nidaamiyayaal, hagayaal iyo habraacyo doorasho iyo casriyaynta soohdimaha maamulada Dalka oo hufan, midaas oo bud-dhig u ah kobcinta kalsoonida shacabka ee nidaamka doorashada iyo soohdin samaynta maamulada Dalka. Waxaa naga go’an in aan u wada-jirno, daacadnimo, iyo isla xisaabtanka dhammaan howlgallada Guddiga, anagoo ku dadaaleyno inaan sare u qaadno maamulka dimoqraadiga ah iyo xoojinta muwaadiniinta iyada oo loo marayo ka-qaybgal loo dhan yahay.
Awoodaha Guddiga
Dulmarka Nuxurka
Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) waxa uu mas’uul ka yahay xaqiijinta hufnaanta iyo daahfurnaanta hanaanka doorasho ee Soomaaliya oo dhan. Waajibaadka GMDQS wuxuu ku saleysan yahay kor u qaadista qiyamka dimuqraadiga ah iyo fududeynta doorashooyin xalaal ah oo lagu kalsoonaan karo.
Waajibaadka Doorashada
Waajibaadka Guddiga waxa ka mid ah kormeerida habsami u socodka doorashooyinka, ilaalinta nidaamka diwaangelinta codbixiyayaasha oo hufan, iyo hubinta in ururrada siyaasaddu ay u hoggaansamaan Xeerarka loo dejiyay. Waxaa naga go’an inaan ilaalino mabaadi’da dimoqraadiyadda iyo fulinta hawlaha doorashada.
Soohdimaynta Soohdimaha
GMDQS, waxa kale oo uu masuul ka yahay astaynta soohdimaha maamullada iyo degaan doorashooyinka Dalka iyo xalinta khilaafaadka la xiriira Soohdimaha. Waxaan la shaqaynaa bulshooyinka deegaanka si aan u hubinno in soohdimaha loo sameeyo si cadaalad ah oo ay ka tarjumayaan baahida dadweynaha, ka qayb qaadashada bulsho xasilloon oo dimuqraadi ah.
Xaqiijin Doorasho Xor iyo Xalaal ah
Kormeerka Hanaanka Doorashada
Astaynta Soohdimaha Maamullada
Horumarinta Waxbarashada Cod-bixiyayaasha
Fududeynta Ka-qaybgalka Daneeyayaasha
Ku-dhaqanka Xeerarka Doorashada
Kobcinta daahfurnaanta iyo isla xisaabtanka
Isku-xirka Hay’adaha Dawladda
Sameenta Qorsheyaal Istaraatiijiyadeed
Dhaqangelinta Dib-u-habaynta Doorashada
Xoojinta Hay'adaha Dimuqraadiga
Kobcinta Kalsoonida Dadweynaha
Xalinta Muranka Doorashada
Sameenta Cilmi-baaris iyo Falanqeyn
Bixinta Tababarro iyo Dhisidda Awoodda
Xaqiijinta Doorasho loo dhan yahay
Ilaalinta hufnaanta doorashada
Taabogelinta Doorasho Nabdoon
Xubnaha Guddiga
Xubnaha Guddiga waxa ay ka kooban yihiin Gudoomiye, Gudoomiye Xigeen iyo 16 Xubin oo u qaybsan Guddi hoosaadyo korjoogteeya hawlgallada Guddiga. Xubnayaashaasi waxay yihiin xirfadlayaal ku dadaalaya inay ilaaliyaan hufnaanta nidaamka doorashada. Mid kasta oo ka mid ah xubnahaan wuxuu leeyahay khibrad ku haboon hawsha loo xilsaartay, taas oo ka caawineysa in la xaqiijiyo maaraynta wax ku oolka ah iyo fulinta waajibaadka Guddiga.



















