COdkaada waa awoodaada
Is diiwaangeli codkaaga waa mustaqbalkaada
Ka mid noqo malaayiin qof oo go’aaminaya mustaqbalka Soomaaliya adigoo hubinaya in codkaaga la maqlo. Isdiiwaangeli hadda si aad uga qayb qaadato doorashooyinka soo socda.
Xarumaha Isdiiwaangelinta
Raac talaabooyinkan fudud si aad u xaqiijiso in diiwaangelintaada adigoo ka raadinaya degmada aa degan tahay xarunta kuugu dhow.
1
Raadi Xaruntaada Diiwaangelinta
Tag xarunta diiwaangelinta codbixiyayaasha kuugu dhow adigoo adeegsanaya qalabkeena khadka tooska ah ama nala soo xiriir si aan kaaga caawino.
2
Diyaarso Dukumentiyada Lagama Maarmaanka Ah
Soo qaado dukumentiyada lagama maarmaanka ah sida aqoonsigaaga qaranka iyo caddaynta dhalashada ama shahaadada dugsiga sare iwm.
3
Dhameystir Diiwaangelinta
Booqo xarunta diiwaangelinta oo hel xaqiijinta diiwaangelinta codbixintaada.
Lambarka gaaban
558
voter.education@niebc.gov.so
Ciwaan
Xafiiska Diiwaangalinta GMDQS, Muqdisho, Soomaaliya
Faa'iidooyinka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
Muhiimadda Diiwaangelinta Codbixiyayaasha
Diiwaangelinta codbixiyayaasha waa tallaabo muhiim ah oo muwaadiniinta Soomaaliyeed ay ku xaqiijin karaan xuquuqdooda codbixineed. Waxay u oggolaaneysaa inay ka qaybqaataan go’aaminta mustaqbalka dalka, iyagoo dooranaya hoggaamiyeyaasha u adeegaya danahooda. Diiwaangelintu waxay sidoo kale ka hortagtaa musuqmaasuqa iyo khaladaadka doorashada, iyada oo la hubinayo in codadka la tiriyo ay yihiin kuwo sax ah oo la isku halleyn karo. Intaa waxaa dheer, waxay kor u qaadaysaa wacyiga bulshada iyo ka qaybgalka siyaasadeed, taas oo ah aasaaska dimuqraadiyadda xooggan.
Ku Biir Dadaalka Dimoqraadiyadda
Waxaan kugu martiqaadeynaa inaad ka qaybqaadato dadaalka lagu dhisayo mustaqbalka Soomaaliya adiga oo isdiiwaangelinaya si aad codkaaga u dhiibato. Ku biir muwaadiniinta kale ee doonaya inay codkooda maqlaan oo saameyn ku yeeshaan doorashada hoggaamiyeyaasha mustaqbalka. Diiwaangelintu waa tallaabada ugu horreysa ee lagu xaqiijinayo in codkaaga la tiriyo. Ha seegin fursaddan muhiimka ah ee aad ku xaqiijin karto xuquuqdaada codbixineed. Diiwaangeli hadda oo noqda codka isbeddelka!

