Muqdisho, 15 Luulyo 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa maanta xaruntiisa Muqdisho ku soo dhaweeyay wafdi heer sare ah oo ka socday Hay’adda Qaramada Midoobay u Qaabilsan Taageerada Doorashooyinka (IESG). Booqashadan, oo calaamad u ah iskaashiga joogtada ah ee labada dhinac, waxay hoosta ka xariiqaysaa ballanqaadka ay wadaagaan ee ah xoojinta habraacyada doorashooyinka Soomaaliya iyo hubinta doorashooyin daahfuran oo caddaalad ah.
Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, Guddoomiyaha Guddiga, ayaa si diiran u soo dhaweeyay wafdiga IESG oo uu hoggaaminayay Mudane Deryck Fritz. Waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa xubno muhiim ah oo ka tirsan guddiga.
Booqashadan ayaa ahayd fursad muhiim ah oo lagu xoojiyo iskaashiga jira ee u dhexeeya GMDQs iyo IESG. Iskaashigan ayaa ah mid lama huraan u ah ka faa’iidaysiga khibradda iyo taageerada caalamiga ah ee dhisidda habab doorasho oo adag oo ka hirgala Soomaaliya.
Soo dhaweynta ka dib, wafdiga ayaa kormeer dhamaystiran ku sameeyay xafiisyada Guddiga, oo ay ka mid yihiin Qolka Hawlgallada (Operation Room), oo ah xudunta hawlaha doorashooyinka; Xarunta Wicitaanada (Call Center), oo ah xarun muhiim u ah weydiimaha iyo taageerada dadweynaha; iyo Xarunta Xogta (Data Center), oo ah meesha ay ka socdaan hawlaha muhiimka u ah doorashooyinka. Kormeerka ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta xaaladda iyo horumarka nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee dalka oo dhan ka socda, kaasoo ah tallaabo aasaasi ah oo loo qaado doorashooyin lagu kalsoonaan karo.
Booqashadan ayaa si cad u muujinaysa muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta caalamiga ah iyo taageerada joogtada ah ee geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya. Waxay ka tarjumaysaa go’aan wadajir ah oo lagu horumarinayo hannaan dimoqraadi ah oo loo dhan yahay isla markaana lagu kalsoonaan karo, taasoo ugu dambayn u gogol xaaraysa doorashooyin daahfuran oo caddaalad ah oo dalka oo dhan ka dhaca.



