Jowhar, Dowlad Goboleedka Hirshabelle – Wafdi heer sare ah oo ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo uu hogaaminayo Commissioner Abdi Addow ayaa gaaray magaalada Jowhar, caasimadda Dowlad Goboleedka Hirshabelle.
Wafdigaan ayaa gogol xaarayaa howlaha diiwaangalinta codbixiyaha ee dhawaan ka bilaabmi doono deegaannada Hirshabelle, tani waxay sumad u tahay marxalad muhiim ah oo ku aaddan socdaalka Soomaaliya ee ku wajahan nidaamka doorasho ee qof iyo cod, iyadoo laga gudbayo habka soo jireenka ah ee Doorasho dadban.
Wafdigan oo ka kooban xubnaha Guddiga, Tababaraayaal Sare iyo khubaro aqoon sare leh oo GIS (Nidaamka Macluumaadka Juqraafiyadeed) ah, waxaay tababar siin doonaan howlwadeennada Guddiga ee ka shaqayn doono diiwaangalinta codbixiyaha sidoo kale waxay kormeeri doonaan goobaha diiwaangalinta codbixiyaha. Khibradooda wadajirka ah ayaa si weyn uga qayb qaadan doonta hawsha hortaalla.
Maalmaha soo socda, kooxdu waxay si firfircoon ugu hawlanaan doontaa labo ujeeddo oo waaweyn oo isku xiran:
-
-
Inay tababar sare siiyaan Howl-wadeennada Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha: Mid ka mid ah diiradaha ugu waaweyn ee hawshan ayaa ah in la qabto tababaro qoto dheer oo loogu talagalay shaqaalaha maxalliga ah ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Tababarkan ayaa si dhammaystiran u dabooli doona dhammaan dhinacyada nidaamka diiwaangelinta codbixiyeyaasha, laga bilaabo isticmaalka saxda ah ee qalabka diiwaangelinta, ilaa habraaca aruurinta xogta, , iyo weliba hubinta saxnaanta iyo daacadnimada diiwaanka codbixiyeyaasha. Ku qalabaynta shaqaalahan xirfadaha lagama maarmaanka ah ayaa gundhig u ah hawl diiwaangelin oo habsami leh oo lagu kalsoonaan karo.
-
Isku xirka Istiraatiijiyadeed ee Goobaha Diiwaangelinta iyo Qalabka: Khubarada GIS-ka ee wafdiga ku jira ayaa door muhiim ah ka ciyaari doona iyagoo kormeeraya dejinta farsamada iyo isku xirka xarumaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee dhammaan goobaha. Tani waxay ku lug leedahay adeegsiga xogta juqraafiyadeed si loo aqoonsado meelaha ugu habboon ee goobaha diiwaangelinta, hubinta in codbixiyeyaasha xaq u leh ay si fudud u gaaraan, iyo dhisidda xiriiro lagu kalsoonaan karo oo lagu qabto laguna gudbiyo macluumaadka codbixiyaha si dijitaal ah. Isku-darka tiknoolojiyadda, oo ay ku jiraan nidaamyada biometric-ka, ayaa muhiim u ah in la kordhiyo daahfurnaanta iyo kalsoonida habka diiwaangelinta.
-
Hawshan uu wado Guddiga ma aha oo kaliya shaqo maamul, balse waa tallaabo muhiim ah oo lagu diyaarinayo habraacyada doorasho ee daahfuran oo wax ku ool ah ee ka dhaca Hirshabelle. Waxay sidoo kale si weyn uga qayb qaadanaysaa himilooyinka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya guud ahaan. Iyadoo la xoojinayo aasaaska diiwaangelinta codbixiyeyaasha, Guddiga wuxuu higsanayaa inuu hubiyo in dhammaan muwaadiniinta xaq u leh ay helaan fursad ay kaga qayb qaataan qaabeynta mustaqbalka dalkooda.



