Sat – Thurs: 8:00am – 4:00pm

Call us: 558

info@niebc.gov.so

Language Flag Loading…
Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo si Habsami Leh uga Socota Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Jul 6, 2025

Baydhabo, Luulyo 6, 2025 – Xarumaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee magaalada Baydhabo ayaa si buuxda oo habsami leh uga socota howlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha. Dadweynaha reer Baydhabo, gaar ahaan dhalinyarada iyo haweenka, ayaa si weyn uga qeyb qaadanaya, iyagoo safaf dhaadheer u galaya si ay xuquuqdooda dastuuriga ah u gutaan.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQS) ayaa xaqiijiyay in dhammaan goobaha  diiwaangelinta  ee ku yaalla magaalada Baydhabo ay si buuxda u shaqeynayaan laga soo bilaabo 8:00 subaxnimo ilaa 5:00 galabnimo maalin kasta, marka laga reebo Jimcaha. Goob kasta waxaa ka howlgala kooxo tababaran oo u diyaarsan inay ka caawiyaan muwaadiniinta habraaca diiwaangelinta, iyagoo hubinaya in nidaamku yahay mid degdeg ah, hufan, oo aan lahayn wax caqabado ah.

Muhiimadda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

Diiwaangelintani waa tallaabo muhiim u ah hirgelinta doorashooyin xor ah, xalaal ah, iyo cadaalad ah oo ka dhaca Soomaaliya. Waa aasaaska dimoqraadiyadda, waxaana ay u oggolaanaysaa muwaadiniinta inay doortaan hoggaamiyaashooda kana qayb qaataan go’aan-qaadashada mustaqbalka dalkooda.

“Waxaan ku faraxsanahay sida ay shacabka Baydhabo uga go’an tahay ka qayb qaadashada geeddi-socodkan taariikhiga ah,” ayuu yiri Agaasimaha Guud ee Maamulka Mudane Aadan Salaad Maxamuud. “Tani waxay muujinaysaa rabitaanka xooggan ee bulshada ee ku aaddan inay helaan dowlad u adeegta danahooda, isla markaana ay ku dhisan tahay rabitaanka shacabka.”

Baaq ku Socda Dadweynaha Aan weli Isdiiwaangelin

GMDQS waxuu si xooggan ugu baaqayaa dhammaan muwaadiniinta xaqa u leh inay codeeyaan ee aan weli isdiiwaangelin inay fursaddan uga faa’iideystaan inta ay weli furan yihiin goobaha diiwaangelintu. Ha lumin fursaddaada inaad qayb ka noqoto hagaajinta mustaqbalka dalkaaga.

Hanaanka diiwaangelintu waa bilaash, waxaana lagu qaadaa si deggan oo ammaansan.

Fadlan la soco in diiwaangelintu ay socon doonto muddo xaddidan. Ha dib dhigin! Kaalay oo ka qayb qaado dhismaha Soomaaliya dimoqraaddi ah oo horumar leh.

 

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

Muqdisho, 19 Oktoobar 2025– Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay LIISKA KMG...
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Muqdisho, 15 Luulyo 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa maanta xaruntiisa Muqdisho ku soo...
Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Jowhar, Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Soomaaliya – Luulyo 13, 2025 – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si...

Baraha Bulshada GMDQS

Video

Tags: