Dhuusamareeb, Galmudug – Luulyo 9, 2025 – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u bilaabay ololihii diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee sida weyn loo sugayay ee Galmudug. Ololahan muhiimka ah waxaa maanta Dhuusamareeb, oo ah caasimadda Galmudug, si wadajir ah uga daah-furay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, oo ay weheliyaan xubno ka tirsan GMDQS.
Hindisahan diiwaangelinta ah waa tallaabo weyn oo horay loo qaaday iyadoo Soomaaliya ay isku diyaarinayso doorashooyinkii ugu horreeyay ee toos ah ee dalka uga hirgala tan iyo 1967-kii, waxaana ujeedku yahay in laga gudbo nidaamka doorasho dadban loona wareego qaab dimuqraadi ah oo hal qof iyo hal cod ah. Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye ayaa door muhiim ah ka qaatay fududeynta iskaashiga u dhexeeya Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka, taasoo ku aaddan doorashooyinkan isbeddelka leh. Joogitaankiisa daah-furka wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida maamulka Galmudug uu uga go’an yahay hubinta in hawsha doorashadu ay noqoto mid guuleysata oo loo dhanyahay.

Muwaadiin iska diiwaangalinaya Dhuusamareeb, Caasimadda Galmudug, Soomaaliya.
Dadaallada diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee GMDQS waa aasaaska kalsoonida iyo cadaaladda doorashooyinka mustaqbalka. Guddigu wuxuu u heellan yahay inuu hirgeliyo xarumo diiwaangelin oo sahlan iyo in la hubiyo in dhammaan muwaadiniinta Galmudug ee xaq u leh ay helaan fursad ay ku diiwaangeliyaan xogtooda oo ay ku codayn karaan xuquuqdooda aasaasiga ah. Ololahan wuxuu qayb ka yahay dadaal ballaaran oo ay GMDQS wadday oo lagu doonayo in lagu dhiso diiwaan codbixiyeyaasha oo dhamaystiran oo sax ah guud ahaan Soomaaliya.
Daah-furka Galmudug wuxuu ka dhigan yahay ballaarin ku yimid diyaar-garowgan dimuqraadiyadeed ee muhiimka u ah dalka oo dhan. GMDQS waxuu sii wadi doonaa la-shaqeynta dhinacyada ay khusayso dhammaan heerarka – oo ay ku jiraan bulshooyinka maxalliga ah, ururrada siyaasadda, ururada bulshada rayidka ah, iyo la-hawlgalayaasha caalamiga ah – si loo hubiyo daah-furnaan, loo dhanyahay, iyo kalsoonida dadweynaha inta lagu jiro muddada diiwaangelinta.
Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan muwaadiniinta xaq u leh ee Galmudug inay si firfircoon uga qaybqaataan ololahan diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee taariikhiga ah. Diiwaangelintaadu waa tallaabada ugu horreysa ee lagama maarmaanka u ah qaabeynta mustaqbalka Galmudug iyo ka qaybqaadashada Soomaaliya oo dimuqraadiyad iyo wakiillo badan leh.



