Sat – Thurs: 8:00am – 4:00pm

Call us: 558

info@niebc.gov.so

Language Flag Loading…
Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo Si Rasmi ah uga Bilaabmatay Magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Jul 3, 2025

Baydhabo, Soomaaliya – Luulyo 3, 2025 – Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta si rasmi ah uga daah-furay ololihiisa diiwaangelinta codbixiyeyaasha magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo horay loogu qaaday safarka dimoqraadiyadeed ee Soomaaliya. Xafladda  daah-furka ee ka dhacday Baydhabo waxaa kasoo qeyb galay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, isaga oo ay weheliyaan wafdi sare oo ka socday Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha.

Munaasabaddan oo lagu qabtay Xarunta Diiwaangalinta Codbixiyaha ee magaalada Baydhabo ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, ayaa isugu keentay mas’uuliyiin maxalli ah, hoggaamiyeyaasha bulshada, iyo ururrada bulshada rayidka ah, dhamaantoodna waxay muujinayeen sida ay uga go’an tahay in la xoojiyo hannaan doorasho toos ah.

Isagoo ka hadlayey daah-furka, Madaxweyne Laftagareen ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ugu sarreysa ee diiwaangelinta codbixiyeyaasha, taas oo ah tiirka aasaasiga u ah doorashooyinka lagu kalsoonaan karo ee daah-furnaanta leh. “Maanta waxay calaamad u tahay wakhti muhiim ah oo loo soo joogay dadka Koonfur Galbeed,” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen. “Isu diiwaangelinta codbixinta ma aha kaliya xuquuq; waa waajib  awood siinaya muwaadin kasta oo xaq u leh inuu qaabeeyo jihada mustaqbalka ee gobolkeenna iyo qarankeena. Waxaan ku boorinayaa wiilasha iyo gabdhaha Koonfur Galbeed ee gaara da’da codbixinta ah inay soo baxaan oo ay xaqiijiyaan in magacyadoodu ay ku qoran yihiin diiwaanka codbixiyeyaasha.”

Xubnaha wafdiga GMDQS ayaa faahfaahiyay dhinacyada farsamo ee hannaanka diiwaangelinta, iyaga oo shacabka u xaqiijiyay diyaargarowga iyo sida ay uga go’an tahay Guddiga inuu si habsami ah oo hufan u fuliyo hawsha. Waxay iftiimiyeen tallaabooyinka la qaaday si loo hubiyo helitaanka, amniga, iyo daacadnimada inta lagu jiro muddada diiwaangelinta. Tababarrada saraakiisha diiwaangelinta waa la soo gabagabeeyay, agabkana waxaa loo dirayaa xarumo kala duwan oo ku yaal gobolka oo dhan.

Hindisahan ayaa ah qayb muhiim ah ka ah waajibaadka ballaaran ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaga ee ah inuu dhiso diiwaan codbixiyayaal dhamaan Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka, taas oo shardi u ah wareegyada doorashooyinka ee la qorsheeyay. Guddiga waxa uu higsanayaa in uu ururiyo xog sax ah oo ku saabsan dhammaan codbixiyeyaasha xaqa u leh, taas oo gacan ka geysan doonta   doorashooyinka dalka.

GMDQS ayaa ku boorrinaya dhammaan muwaadiniinta xaqa u leh ee ku nool Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed inay si firfircoon uga qaybqaataan hawshan muhiimka ah. Xarumaha diiwaangelinta si cad ayaa loo shaaciyay , iyadoo kooxo wacyigelin ah la geyn doono si loo xaqiijiyo in wacyi-gelintu ay gaarto dadka oo dhan iyo in la fududeeyo hannaanka. Codkaagu waa muhiim, diiwaangelintaaduna waa tallaabada ugu horreysa ee aad ku hubinayso in codkaaga la maqlo.

 

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

Muqdisho, 19 Oktoobar 2025– Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay LIISKA KMG...
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Muqdisho, 15 Luulyo 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa maanta xaruntiisa Muqdisho ku soo...
Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Jowhar, Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Soomaaliya – Luulyo 13, 2025 – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si...

Baraha Bulshada GMDQS

Video

Tags: