Sat – Thurs: 8:00am – 4:00pm

Call us: 558

info@niebc.gov.so

Language Flag Loading…
Bog cusub oo u bilaabmay Dharkeenley: Diwaangalinta Codbixiyayaasha saakay ka bilaabatay Degmada Dharkeenley.

May 3, 2025

Maanta oo ah sabti May 3, 2025 ayaa ku soo beegantay xilli aad muhiim u ah geedi socodka dimuquraadiyadeed ee Soomaaliya iyadoo Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si rasmi ah uga bilaabay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho diiwaangelinta codbixiyayaasha. Jawaabta xamaasadda leh ee bulshadu ka bixisay ayaa runtii ahayd mid dhiirri-gelin leh, iyadoo safaf dhaadheer ay goor hore galeen iyadoo muwaadiniintu si hamuun leh ugu soo baxeen inay is diiwaangalinta xaqa u leeyihiin ka qaybgalaan doorashooyinka soo socda.

Muuqaallada ka soo cusboonaaday degmada Dharkeenley ayaa muujinaya sida yididiilada leh ee shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay mustaqbalkooda u qaabeeyaan. Rag iyo dumar, yar iyo weyn, waxay u istaageen dulqaad, iyagoo ka midaysan go’aankooda ku aaddan is-diiwaangelinta iyo inay ku dhaqmaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee codbixinta. Kor u kaca ka qaybgalka bulshada waxa ay hoosta ka xariiqday rabitaanka sii kordhaya ee hannaan doorasho oo hufan oo loo dhan yahay, hanaan ka tarjumaya rabitaanka shacabka.

GMDQS wuxuu garwaaqsaday muhiimadda xilligan, wuxuuna ku ammaanayaa muwaadiniinta degmada Dharkeenley sida firfircoon ee ay uga qayb qaateen. Waxaan fahamsanahay in diiwaangelinta codbixiyayaashu ay tahay tiirka doorasho lagu kalsoonaan karo, waxaana naga go’an inaan hubinno in muwaadin kasta oo xaqa u leh uu helo fursad uu isku diwaangeliyo oo codkiisa la maqlo. Howlwadeennada isdiiwaangelinta ee heeganka ah waxay si dadaal ah uga shaqaynayaan si ay u fududeeyaan hab-socod hufan, iyaga oo hubinaya in dhammaan is-diiwaangeliyayaasha loola dhaqmo si xushmad iyo cadaalad ah.

Anagoo goob joogna ka ah sida cajiibka ah ee ay ugu soo baxeen dadka u soo baxay degmada Dharkeenley, waxaan baaq dheer u diraynaa dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banaadir waxaana leenayah is diiwaan-geliya oo iska diwaan-geliya degmadaada si aad u gudataan xaqa dastuuriga ah ee aad u leedahay inaad wax doorato adigana lagu doorto ogsoonow codkaaga ayaa muhiim ah. Markaad isdiiwaangeliso, waxaad si firfircoon uga qaybqaadanaysaa geeddi-socodka dimuqraadiyadda, waxaadna ka qayb qaadanaysaa dhisidda Soomaaliya oo xooggan, oo matalaysa.

Guddiga waxaa ka go’an in uu ilaaliyo mabaadi’da hufnaanta, eex la’aanta, iyo ka qaybgalka inta lagu jiro hannaanka doorashada. Waxaan si hagar la’aan ah uga shaqeyneynaa in aan hubinno in dhammaan muwaadiniinta ay helaan macluumaad sax ah iyo in awood loo siiyo in ay sameeyaan doorashooyin xog ogaal ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed in ay la socdaan hannaanka diwaan-gelinta iyo inay ka faa’iidaystaan ​​fursadan si ay u qaabeeyaan mustaqbalka ummaddooda.


Guusha doorashadani waxay ku xiran tahay ka qaybgalka firfircoon ee muwaadin kasta oo xaqa u leh. Waxaanu kugu boorinaynaa inaad qaaddo tallaabadan muhiimka ah oo aad isdiiwaangeliso si aad u codayso. Si wada jir ah ayaan u dhisi karnaa Soomaaliya oo cod walba la maqlo, cod walbana lagu xisaabtamo. Tani waa wax ka badan doorasho oo keliya; waa dib u xaqiijinta go’aankeena wadajirka ah ee dimuqraadiyadda, nabadda, iyo horumarka. Anagoo ah Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, waxaan halkaan u joognaa inaan fududeyno howshan, waxaana halkaan u joognaa inaan u adeegno shacabka Soomaaliyeed. Aynu ka wada shaqayno sidii aynu u dhisi lahayn mustaqbal ifaya oo umaddeena.

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

Muqdisho, 19 Oktoobar 2025– Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay LIISKA KMG...
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Muqdisho, 15 Luulyo 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa maanta xaruntiisa Muqdisho ku soo...
Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Jowhar, Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Soomaaliya – Luulyo 13, 2025 – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si...

Baraha Bulshada GMDQS

Video

Tags: