Sat – Thurs: 8:00am – 4:00pm

Call us: 558

info@niebc.gov.so

Language Flag Loading…
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa kulan ka yeeshay Dardargelinta Diiwangelinta Cod-bixiyayaasha Gobolka Banaadir.

May 2, 2025

Muqdisho, May 2, 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha ayaa qaadaya tallaabooyin adag oo lagu xaqiijinayo habsami-u-socodka diiwaangelinta codbixiyayaasha ee guud ahaan gobolka Banaadir. Waxa maanta kulan isugu yeeray Guddoomiyaha GMDQS Mudane Cabdikariim Axmed Xasan, kaas oo lagaga hadlayey dardar gelinta hawlaha diiwaangelinta codbixiyayaasha.

Kulanka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay Xoghayaha Guud ee guddiga Mudane Xuseen Nuunoow Cali, iyadoo ay wehliyaan agaasimayaal muhiim ah iyo xubno ka tirsan shaqaalaha sida firfircoon uga qeyb qaadanaya diiwaan gelinta codbixiyayaasha. Diiradda ugu weyn ee kulanka ayaa ku saabsaneyd istaraatiijiyad lagu dardargelinayo howlaha diiwaan-gelinta ee ka socda degmooyinka kala duwan ee gobolka Banaadir.

Intii uu socday kulanka Gudoomiyaha Guddiga ayaa ka dhagaystay warbixino dhinacyo badan taabanaya howlwadeennada ka hawl gala dhamaan xarumaha diwaangalinta ee ay ka socoto. Howlwadeennada waxay bixiyeen aragtiyo qiimo leh oo ku saabsan horumarka ilaa hadda la sameeyay, iyo sidoo kale in la ogaado caqabadaha saameynaya xawaaraha diiwaangelinta. Wada-hadalka furan wuxuu oggolaaday in si qoto-dheer loo qiimeeyo xaaladda hadda jirta.

Guddoomiye Cabdikariim Axmed Xasan ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda Diiwaangalinta codbixiyaha u leedahay hanaanka geedi socodka doorashada. Waxa uu si qiiro leh kula dar daarmay dhamaan hawl-wadeenada diwaan galinta in ay sii xoojiyaan dadaalkooda oo ay si hagar la’aan ah ula shaqeeyaan si loo hubiyo in dhamaan muwaadiniinta xaqa u leh la diwaan geliyo wakhtiga ku haboon. Sidoo kale, waxa uu carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in si cadaalad ah loo wada shaqeeyo, isla markaana aan eex la’aani ku jirin shaqadooda, isaga oo ku celceliyay sida ay uga go’an tahay Guddiga ilaalinta mabaadi’da cadaaladda iyo sinaanta inta lagu guda jiro wareegtada doorashada.

“Xuquuqda codbixintu waa tiirka aasaasiga ah ee bulsho kasta oo dimuqraadi ah, waana waajibka ugu weyn ee na saaran in aan hubinno in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed oo Gobolka Banaadir ama Gobollada kale ku sugan uu fursad u helo in uu ku dhaqmo xuquuqdan,” ayuu yiri guddoomiye  Cabdikariim Axmed Xasan. “Waxaan aqoonsannahay muhiimadda uu leeyahay ololahan diiwaan-gelineed, waxaana naga go’an inaan siino agabka lagama maarmaanka ah iyo taageerada kooxaheenna goobta ku sugan, waxaan ka rajeynaynaa shaqaalaheenna inay u shaqeeyaan si dadaal, karti, iyo wax walba oo ka sarreeya, si daacadnimo ah, si loo gaaro yoolka wadajirka ah ee hannaanka doorasho ee lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay.”

 

Kulankan dardargalinta diiwaangalinta codbixiyayaasha GMDQS, ayaa ka tarjumaya sida ay uga go’an tahay Guddiga qabashada doorashooyin xor ah, xalaal ah, oo hufan. Iyadoo xoogga la saarayo dardar gelinta diiwaan gelinta codbixiyayaasha ee gobolka Banaadir oo ay dad badan ku nool yihiin, ayaa Guddigu wuxuu higsanayaa inuu sare u qaado ka-qaybgalka muwaadiniinta iyo in dhidibbada loo aaso dhacdooyinka doorashada ee soo socda. Baaqa ku aadan in la dardar geliyo oo shaqo cadaalad ah oo ka soo yeertay Gudoomiyuhu waxa ay dardaaran cad iyo mid dhiiri galin u tahay shaqsiyaadka heeganka ah ee sida hagar la’aanta ah uga shaqeeya safka hore ee diwaangalinta codbixiyayaasha. Guddiga  waxa uu sii wadi doonaa in uu si dhow ula socodo horumarka oo uu hirgeliyo wax kasta oo lagama maarmaan ah si loo xaqiijiyo in si guul leh loo dhammeeyo marxaladan muhiimka ah.

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

Muqdisho, 19 Oktoobar 2025– Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay LIISKA KMG...
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Muqdisho, 15 Luulyo 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa maanta xaruntiisa Muqdisho ku soo...
Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Jowhar, Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Soomaaliya – Luulyo 13, 2025 – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si...

Baraha Bulshada GMDQS

Video

Tags: