Sat – Thurs: 8:00am – 4:00pm

Call us: 558

info@niebc.gov.so

Language Flag Loading…
Diiwangelinta Codbixiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir Oo Si Habsami Leh U Socota Iyo Tirada Dadka Soo Baxay kordhaya.

May 1, 2025

Muqdisho, Banaadir – May 01, 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEB) waxaa si dardar ah ku socdo is diiwaan-gelinta codbixiyayaasha ee ka socota guud ahaan degmooyinka gobolka Banaadir ay si habsami leh oo hufan u socoto. Waxaan aragnaa soo bixitaan la mahadiyo oo muwaadiniin xiisaynaya inay ka qaybqaataan geeddi-socodka doorashada soo socda, taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay ka-qaybgalka doorshada Golaha Deegaanka.

Howlwadeennada isdiiwaangelinta ee heeganka ah waxay si dadaal ah uga shaqaynayaan sidii ay u hubin lahaayeen in si hufan loogu adeego goobaha diiwaan-gelineed oo loo heli karo dhammaan cod-bixiyayaasha xaqa u leh inay qaataan shahaada diiwaangalinta. Guddiga wuxuu hirgaliyay habab la hagaajiyay iyadoo la geeyay qalab ku filan si loo daboolo tirade dadweynaha isu soo bandhigaya xarumaha diiwaangelinta.

Qodobbada ugu muhiimsan ee habka diiwaangelinta waxaa ka mid ah:

Ka-qaybgalka Muwaadiniinta: Waxa na dhiiri-geliyay tirada badan ee dadka deegaanka ee sida firfircoon uga qayb qaadanaya hawsha diiwaangelinta, taas oo muujinaysa wacyiga sii kordhaya iyo xiisaha mas’uuliyadda madaniga ah.

Hawlgallada Hufan: Xarumahayaga diiwaangelintu waxay u shaqeeyaan si hufan, iyadoo ay yar tahay daahitaanno waxayna diiradda saaraan bixinta adeeg degdeg ah oo xushmad leh dhammaan is-diiwaangeliyayaasha.

Socodka Shaqo ee Wanaagsan: Guddiga waxuu hirgeliyay habab saadka iyo tignoolajiyada adag si loo hubiyo habsami u socodka shaqada, fududaynta diiwaangelinta saxda ah iyo wakhtiga ku habboon.

Iskaashiga Bulshada: Waxaan u mahadcelineynaa iskaashiga iyo taageerada bulshada deegaanka iyo mas’uuliyiinta si loo hubiyo habsami u socodka hawshan muhiimka ah.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha wuxuu u xaqiijinayaa daneeyayaasha doorashada  sida ay uga go’an tahay in uu qabto hanaan doorasho oo hufan, lagu kalsoonaan karo, oo loo dhan yahay.

Waxaan ka codsaneynaa dhammaan muwaadiniinta xaqa u leh ee ku nool Degmooyinka Gobolka Banaadir ee aan weli isdiiwaangelin ka hor inta aan la gaarin xilliga diiwaangelinta ku eg tahay, xusuusnow muwaadin Ka qaybqaadashadaadu waxay muhiim u tahay qaabaynta mustaqbalka qarankeena.

Waxaanu mahad balaadhan u soo jeedinaynaa dhamaan hawl-wadeenada doorashada, madaxda bulshada, iyo shacabka wada shaqaynta iyo hufnaanta leh ee nagala qayb qaatay qabsoomida diwaangalintan.

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

WARGELIN RASMI AH : Shaacinta Liiska Ku-meel-gaarka ah ee Codbixiyayaasha Gobolka Banaadir

Muqdisho, 19 Oktoobar 2025– Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si rasmi ah u shaaciyay LIISKA KMG...
Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) oo ku soo Dhaweeyay xarunta Guddiga Wafdi ka Socda IESG- Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha doorashooyinka.

Muqdisho, 15 Luulyo 2025 – Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (NIEBC) ayaa maanta xaruntiisa Muqdisho ku soo...
Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Ololaha Taariikhiga ah ee Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ka Bilowday Hirshabelle, Horumarinaya Hab-dhismeedka Doorashada ee “Hal Qof Hal Cod”.

Jowhar, Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Soomaaliya – Luulyo 13, 2025 – Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa si...

Baraha Bulshada GMDQS

Video

Tags: