Muqdisho, 26 December 2024. Wafdi ballaaran oo ka socda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka & Soohdimaha oo ka kooban Guddoomiyaha Gudigga Md. Abdikarim Ahmed Hassan, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Md. Saadiq Abshir Garaad iyo qaar ka mid ah xubnaha Guddiga ayaa maanta booqday Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Md. Maxamed Axmed Amiir.
Kulanka oo ujeedkiisu ahaa is xog-waraysi iyo falanqayn ku aadan sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinka heer degmo ayaa lagu kala qaatay warbixinno labada dhinacba. Guddiga ayaa la wadaagay howlaha hortabinta u leh doorashada rubuca 1aad ee sannadka 2025 sida wacyigelinta bulshada. Maamulka gobolka ayaa dhankooda ka warbixiyay siday ugu diyaar garoobeen ka qaybgalka doorashooyinka tooska ah ugana go’an tahay inay gacan buuxda ka siiyaan Guddiga wixii ay uga baahdaan maamulka gobolka Banaadir.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Sohdimaha Mudane Cabdikariin Axmed Xasan ayaa boogaadiyay dadaalka iyo garabka istaaga Gobolka Banaadir, asigoona sheegay in muddooyinkii ugu danbeeyay ay wadeen la-tashiyo bulsho, kulankaanna uu yahay kii ugu horeeyay oo ay la yeeshaan mid ka mid ah Maamullada dalka ayna sii wadi doonaan dhagaysiga warbixinnada daneeyaasha doorashooyinka.



